Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, sideed iyo afartankii saac ee ugu dambeysay.
Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in xanuunka laga baaray 1,349 qof, waxaana laga helay 126 qof oo deegaano kala duwan ku kala sugan.
65 ka mid ah kiisaskan ayaa laga diiwaangeliyay Somaliland, iyadoo 47 kiis laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, 8 kiis waxaa laga diiwaangeliyay Hirshabelle, Jubbaland 4 kiis, halka Galmudug laga diiwaangeliyay 2 kiis.
82 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxaa weeye rag, iyadoo 44 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 29 qof.
Sidoo kale dalka ayaa laga diiwaangeliyay 11 xaaladood oo dhimasho ah, Gobolka Banaadir ayaa 9 xaaladood laga diiwaangeliyay, halka min 1 xaalad laga diiwaangeliyay Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Tirada guud xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 8,946 xaaladood, iyadoo tirada guud ee ka bogsatay ay tahay 4,108 qof, waxaana xanuunka dalka ugu geeriyooday 349 qof.
Si kastaba ha-ahaatee saamaynta xanuunsidaha COVID-19 ee fayriska Corona uu keeno ayaa si weyn soo laba kacleyntiisa dalka looga dareemay.