Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta cafis Guud u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada degaanada Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa maxaabiistaan cafis ugu fidiyey talo soo jeedin ka timid wasaaradda caddaalada Puntland, iyadoo la eegayo fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaaladda caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed.
Tirada maxaabiista ugu badan ee la cafiyay ayaa ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, xabsigaas oo ah kan ugu weyn ee lagu hayo maxaabiista dambiyada kala duwan.
Saraakiisha xabsiga ayaa HOL u sheegay, maxaabiista la cafiyay in ay u xirnaayeen dambiyo fudud islamarkaana muddada xabsi hayntooda ay u dhimanayd wax yar.
Sanadkii hore, Puntland ayaa cafisay 194 maxbuus.