Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday maanta in sanadkaan gudashada waajibaadka xajka inay ku koobnaan doonaan dad aan ka badneyn 60,000 oo qof, dhammaantoodna ka imanaya boqortooyada gudaheeda, sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.
Bayaan ay soo saartay wakaaladda wararka ee ay maamusho dowladda Sacuudiga ayaa laga soo xigtay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee boqortooyada oo ku sheegtay in xajka sanadkan, oo bilaaban doona badhtamaha bisha July, uu ku koobnaan doono da’da 18 ilaa 65.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.
Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa.