Taliyaha Booliska soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil ka tirsan Booliska soomaaliya ayaa garay magaaladda beeydhabo oo ah xarunta ku meel gaar ah ee maamulka Koofur galbeed. soomaaliya
Taliyaha ayaa halkaas kaga qayb geli doona Munaasabadda 78 Guurada ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, oo xuskeeda la qabto sannad walba 20-ka Bisha Diseembar. Kuna beegan maalinta berri ah.
Dhanka kale manta oo ah 19bisha 12-aad ayaa ku beegan malintii la doortay Madaxweyne CabdiCaziiz Xasan maxamed Lafta-gareen, waxaan la filayaa in la qabto ,Xafladda loogu dabaal degayo 3sano guuradii kasoo wareegtay markii la doortay madaxweyna lafta-gareen.
Waxaana xoggo kale ay tibaaxayaan in magaladda beydhabo uu ka furmi Doono shir looga arinsanayo arimha Doorashooyinka Dalka, kaas oo ay kasoo qeeyb gelayaan madaxda maamul gobolledyadda.