Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalayto xiliga fiidka gudaha u galeen magaalada Baledweyne ciidamada la baxay Badbaadada Hiiraan ee uu hoggaamiyo Korneyl Nuur Dheere iyo ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xuud oo iskaashanaya.
Ciidamadan lagu dhex arkay gudaha Baledweyne ayaa maanta gelinkii hore waxa uu dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle deegaanka Qawlad ee dhaca duuleedka Waqooyi bari Baledweyne.
Imaashaha ciidankan gudaha usoo galay Baledweyne ayaa beegmaysa xili ciidankii dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ee kula dagaalamay deegaanka Qowlad aysan wali dib ugu soo laaban gudaha magaalada Baledweyne.
Muqaalo lagu soo bandhigay baraha bulshada ayaa lagu arkaayay Korneyl Nuur Dheere iyo ciidamadiisa oo dhex lugeynaya wadada laamiga ee halbowlaha u ah isku socodka magaalada Baledweyne.
Dadweyne farabadan oo taageersan ciidamadan kasoo horjeeda Hirshabeelle ee lagu dhex arkay gudaha Baledweyne ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baledweyne.
Gabagabadii ciidankaan lagu dhex arkaayo gudaha magaalada Baledweyne ayaa waxay kusoo aadeysa xili galabta guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu sheegay in magaalada Baledweyne Bandow tahay si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Baledweyne.