Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku qabanaya kuraastii ugu dambeeysay ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi.
Ilaa Saddex kursi ayaa Guddiga doorashooyinka xaqiijiyeen ayaa Maanta doorashadooda lagu qabanayaa dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, waxaana saddexda kursi ku tartami doona ilaa lix musharrax.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran dhamaan waddooyinka loo aado dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, iyada oo xataa dadka lugeeynaya loo diidayo inay maraan.