Dagaalka xooggan ayaa haatan ka socdaa deegaanka Vasylkiv ee dhaca Kiev, Sida laga soo xigtay qoraal ay bogga Facebook soo dhigeen militeriga Ukraine.
Waxay sidoo kale sheegeen in dagaalka uu ku fiday waddooyinka caasimadda.
Weriyeyaasha ku sugan caasimadda Ukraine ayaa baraha bulshada kusoo qoraya in dagaalka uu ka qarxay waddooyinka caasimadda, qaarkood waxay sheegayaan in rasaas xooggan laga maqlayo bartamaha magaalada.
Dhinaca kale, ciidamada Ukraine waxay sheegeen inay soo rideen diyaar dagaal uu Ruushka leeyahay oo siday ciidamo inkasta oo aan arrintaas la xaqiijin karin.