Jubbaland oo maanta ku dhawaaqaysa go’aan ku saabsan kuraasta taalla Garbahaarey written by Warsan Radio 26/03/2022 Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Kismaayo Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa maanta lagu waddaa in uu ku dhawaaqo go’aamo ku saabsan sida laga yeelaayo kuraasta taalla magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.Kuraastaan oo ah 16 kursi ayaa horay waxaa u shaaciyay guddiga doorashooyinka in la qaban doono balse waxay ka gaabsadeen in ay ku dhawaaqaan goobta rasmiga ah ee doorashada ay ka dhici doonto.xalay ilaa shalay galinkii dambe waxaa dhacay kulamo kala duwan oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Jubbaland , kuxigeenadiisa iyo guddiga doorashooyinka waxaana kulamadaasi diirada lagu saaray xalka deegaan doorashada Garbahaarey.Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn haddana warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Jubbaland ay doonayso in deegaan doorashada laga wareejiyo magaalada Garbahaarey loona wareejiyo degmada Ceelwaaq.Waxaa sidoo kale jira gorgortan u dhaxeeya xubnaha kuraasta taalla Garbahaarey oo qaarkood walaac ka muujiyay in aysan tagi Karin magaaladaasi balse ay doorbiyaan Kismaayo. Jubbaland oo maanta ku dhawaaqaysa go’aan ku saabsan kuraasta taalla Garbahaarey was last modified: March 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Roobka Gu’a Oo Ka Curtay Deegaano Badan Oo Kamid Ah Gobolada Dalka next post Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Bulshada Gaar Ahaan Waxbarashada You may also like Akhriso:-Farmaajo Siyaasiyiinta xanaaqsan waali ayay ku dhow yihiin, xanaaqii baa ka batay 27/11/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 24/06/2019 Ciidamada DF oo billaabay howl-gal ka dhan ah halis ay Al-Shabaab ka qorsheeyeen Janaale iyo Marka 16/04/2020 Taliyihii Ciidanka DANAB iyo saraakiil kale oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay duleedka Afgooye 17/01/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 06/11/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/12/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 20/12/2022 Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran iyo banaanbax ka dhacaya 07/06/2020 Madaxweyne Farmaajo oo qaatay tallaalka ka hortagga COVID-19 17/03/2021 Muwaadin Soomaaliyeed oo tooreey lagu dilay dalka Koonfur Afrika 03/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.