Jubbaland oo maanta ku dhawaaqaysa go’aan ku saabsan kuraasta taalla Garbahaarey written by Warsan Radio 26/03/2022 Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Kismaayo Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa maanta lagu waddaa in uu ku dhawaaqo go’aamo ku saabsan sida laga yeelaayo kuraasta taalla magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.Kuraastaan oo ah 16 kursi ayaa horay waxaa u shaaciyay guddiga doorashooyinka in la qaban doono balse waxay ka gaabsadeen in ay ku dhawaaqaan goobta rasmiga ah ee doorashada ay ka dhici doonto.xalay ilaa shalay galinkii dambe waxaa dhacay kulamo kala duwan oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Jubbaland , kuxigeenadiisa iyo guddiga doorashooyinka waxaana kulamadaasi diirada lagu saaray xalka deegaan doorashada Garbahaarey.Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn haddana warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Jubbaland ay doonayso in deegaan doorashada laga wareejiyo magaalada Garbahaarey loona wareejiyo degmada Ceelwaaq.Waxaa sidoo kale jira gorgortan u dhaxeeya xubnaha kuraasta taalla Garbahaarey oo qaarkood walaac ka muujiyay in aysan tagi Karin magaaladaasi balse ay doorbiyaan Kismaayo. Jubbaland oo maanta ku dhawaaqaysa go’aan ku saabsan kuraasta taalla Garbahaarey was last modified: March 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Roobka Gu’a Oo Ka Curtay Deegaano Badan Oo Kamid Ah Gobolada Dalka next post Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Bulshada Gaar Ahaan Waxbarashada You may also like Guddoomiye ku xigeenkii Wanllaweyn oo lagu dhex dilay gurigiisa 03/08/2020 Dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan 07/09/2022 Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Oo Gaaray magaalada Garoowe 05/07/2021 Gudoomiye cusub ayaa loo magacaabay degmada Afgooye 11/06/2022 Maxaa looga hadlayaa Shirka Madaxweyne Xasan Sheekh ka furaayo Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka? 12/12/2023 Dhageyso;- Barnaamijka Athiiny kydeyooy qeybtiisa 8aad 26/07/2022 XOG:Daawo Farmaajo oo Hal Kulan uu la qaato Kheyre ku Xalin kara Khilaafka Mooshinka Jawaari 31/03/2018 Dhageyso;- Barnaamijka Beeraha ee Qeebta 17aad 17/04/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/09/2021 Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari oo bilaabay xalinta Arrinta Boosaaso 14/01/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.