Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan lagula beegsaday magaaalada Baladweyne.
Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxdii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub ee dhawaan lasoo doortay.
Rooble ayaa sheegay in Xildhibaan Aamina ay dileen kuwii ka dambeeyay dilkii Ikraan Tahliil Faarax.
”Aamina waxaa dilay kuwii horay u dilay Ikraan Tahliil, Farriin ayaan hayaa la ii so diray, taas oo leh ”Kursiga Aamina ee aad furteen waad ka shalaayi doontaan”! ayuu yiri Rooble.