Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska ee ka howlgalla degmada luuq ee Gobolka Gedo ayaa howlgallo kala duwan ka wada degaano hoostaga degmadaas, halkaas oo lagu dilay qof Shacab ahaa.
Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay Wiil dhaliyaro ahaa ku dileen degaanka maganey oo ka mid ah degaanada hoos yimaada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Ciidamada ammaanka ee Degmada Luuq sida Nabadsugida iyo Booliska ayaa goobta dilka uu dhacay gaarey iyagoona ku raad joogo kooxihii dilka geystey.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabadsugida Gobolka Gedo Cabduqadir Xuseen Ibraahin oo hogaaminayey Ciidamada howlgalka wada ayaa sheegey in markii ay goobta gareen ay baxsadeen kooxihii dil geystay, hayeeshee ay wadaan dadaalkii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa.