Maxay tahay gabadha Soomaalida ah ee dishay darawalka ee sida weyn dunida looga hadal haayo? written by Warsan Radio 28/05/2022 Gabar Soomaaliyeed oo 15 jir ah oo ku nool dalka Masar ayaa si weyn loo hadal haayo, kadib markii ay dishay Darawal mootada noo loo yaqaano Tuk Tuk oo la sheegay in uu isku dayay in uu ku kufsado .Gabadhan Soomaaliyeed ayaa isku soo dhiibtay Booliska Masar, waxayna qiratay inay dishay darawalka oo ay ku eedaysay inuu isku dayay inuu fara xumeeyo gudaha gobolka Giza, sida uu qoray wargeyska Al-Masry Al-Youm.Gabadhan Soomaaliyeed ayaa timid Saldhiga Booliska ee Sitta October , iyadoo uu la socday Qareen xiriir la leh Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee dalka Masar.Waxa ay sheegtay in aysan ku talo galin in ay disho ninka, balse in uu diiday in uu joojiyo Mootada, sidoo kale uu ula soo baxay Mindi uu rabay in uu ugu hanjabo in uu fara xumeyn doono,islamarkaana uu isku dayay marka hore in uu dhaawaco balse ay iska difaacday, ayna gacanteeda soo gashay Mindidii ka dibna ay sidaasi ku galisay.Gelida Bidix ayaa la sheegay in ay galisay tooreyda, waxaana xeer ilaalinta Masar ay sheegeen in dhammaan sheegashada gabadh ay tahay mid sax ah markii baaritaan la sameeyay.Gabadhan ayaa la horgeeyay Xeer ilaalinta, waxaana ay xabsiga ku jirtay muddo 4 maalmood ah, iyadoo baaritaan lagu waday.Xeer ilaalinta guud ayaa amartay in la sii daayo gabadhan inta laga sugayo baaritaanka dilka loo geystay darawalka. Maxay tahay gabadha Soomaalida ah ee dishay darawalka ee sida weyn dunida looga hadal haayo? was last modified: May 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Kooxo hubeysan oo dilay mid ka mid ah nabadoonada si weyn looga yaqaano Hiiraan next post Iraan oo xoog kula wareegtay Maraakiib siday Shidaal You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 20/07/2020 Akhriso+Sawiro:-Xukuumadda oo Horumarineysa Dhismaha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee Faransiiska 13/11/2019 Taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Digniin adag soo saaray 13/07/2020 Iran Oo Gantaallo Ku Garaacday Gobolka Kurdida Ee Ciraaq 14/11/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha oo loga hadlaayo Tacabka dalagyada xabuuqleyda ama firaleyda 05/10/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 07/11/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 05/06/2020 Ra’iisul Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Guddiyada Doorashooyinka 10/06/2021 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Masar 08/01/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 30/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.