Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya dalka Jabuuti written by Warsan Radio 06/06/2022 Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee la-dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu hoggaaminayo Khadar Axmed Diiriye kuna wehliyo safarka Cabdullaahi Abuukar ayaa u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qeyb galaan Shirweynaha 8-aad ee Caalamiga ah ee looga hadlayo Dowlad-wanaagga iyo waxqabadka hay’adaha dowliga ah iyo ladagaalanka musuqa.Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madasha Afrika ee la dagaalanka Musuq-maasuqa, iyo Hay’adaha Isku-dhafka ah (FIGE), Xafiiska ladagaalanka musuqa ee EU iyo Xafiiska Kormeeraha Guud ee Jamhuuriyadda Jabuuti .Shirkan oo ka dhici doona Caasimadda Djibouti inta udhaxeysa 7–9 bisha Juun ayaa waxaa kasoo qeyb gali doona wufuud caalami ah oo ka kala socota Dalalka Ururka Hay’adaha isku-dhafka ah ee (FIGE), Madaxda Guddiyada La-dagaalanka Musuq-Maasuqa ee Bariga Afrika, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika iyo Khubaro kale oo Caalami ah, waxaana daah furi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.Soomaaliya ayaa ah markii ugu horeysay oo ay xubin ka noqotay Ururka FIGE kana qeyb gasho shirweynahan, waxaana wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda ka qeyb galeysa shirkaas. Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya dalka Jabuuti was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xukun ku riday askar dil geysatay next post Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan You may also like Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Ra’isul Wasaaraha Somalia 22/08/2020 Taalibaan oo xirtay wasaaradda haweenka Afghanistan 19/09/2021 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 21/01/2022 DHAGEYSO: BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 08/10/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 01/01/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/09/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 04/06/2020 DHAGEYSO:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 27/04/2020 Akhriso:-Guddoomiyaha Barlamanka Maxamed Mursal oo ku dhawaaqay in laga tanaasulay Mooshinkii Madaxweynaha 20/12/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.