Nabaddoon Caan ahaa oo lagu dilay Gaalkacyo written by Warsan Radio 17/06/2022 Kooxo hubeysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee uu ka arrimiyo dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay ku dileen kid kamid ah Nabaddoonnada ugu caansanaa Gobolka Mudug, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.Alle ha u naxariistee Nabaddoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jirya Nabaddoon Cabdiqani Xassan Waloore, waxaana la dilay xilli uu ka soo baxay Masjidka Macmuur ee xaafadda Garsoor oo uu ku soo tukaday Salaadda Cishaha, sida ay sheegeen goobjoogayaal.Goobta lagu dilay Nabaddoon Cabdiqani ayaa waxaa horay loogu dilay Aabihiis Xasan Waloore, waxaana goobta gaaray qaar kamid ah ehellada Nabaddoonka, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydkiisa.Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland oo sidoo kale goobta gaaray ayaa sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan, waxaana weli dilkaasi ka hadlin laamaha Amniga Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland. Nabaddoon Caan ahaa oo lagu dilay Gaalkacyo was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Mareykanka oo gacanta ku dhigay Sarkaal katirsan Kooxda Daacish You may also like Qaramada Midobey oo ka digtay goosashada Israel ee Daanta Galbeed 30/06/2020 Donald Trump ”Soomaaliya waa Dowlad la’aan, Amni la’aan, Boolis la’aan iyo Fowdo.” 22/06/2020 Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo gurmado Qoyasaska barakacayaasha ah 19/11/2023 Go’aano laga soo saaray Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Baydhabo 09/06/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 14/02/2021 Dab Geystay Khasaaro Hantiyadeed Oo Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho 22/01/2023 Mike Pompeo iyo Netanyahu oo wax kama jiraan kasoo qaaday rajo ay Imaaraadka ka laheyd Mareykanka 24/08/2020 Baarlamaanka Denmark oo ansixiyay sharci ka dhan ah magangalyo-doonka ah 05/06/2021 Madaxweyne Farmaajo oo farriin u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay 19/06/2021 Wafdi uu hoggaaminaayo Rooble oo gaaray Imaaraadka Carabta 30/01/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.