Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan written by Warsan Radio 17/06/2022 Bogga Golobal firepower oo sanad walba soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalamka ayaa cusboonaysiin ku sameeyay xogtii sanadkan oo meelaha qaar isbaddallo laga arki karo.Sida caadiga ahaydba, xagga sare ee liiskan, saddexda dal ee ugu awoodda badan militeriga adduunka waa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo sida ay magacyadooda u kala horreeyaan isugu xiga.Hase yeeshee, haddii aad eegto meesha ugu hoosaysa, waxaa kuu muuqanaya isbaddal aan horay looga baranin liiska.Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan saddexda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalamka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Kosovo iyo Bhutan.Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad oo kasii hoos maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu dambaysa ka galay liiska.Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo.Sida ku xusan xogta GlobalFirePower, Iceland waxa ay shacabkeeda ka heli kartaa 81,474 qof oo awood u leh inay militeri noqdaan. 48,070 ka mid ah dadkaas waxay xilli kasta diyaar u noqon karaan in loo qoro ciidanka qalabka sida. Sanad walba waxaa da’da militeriga soo gaara 1,779 ruux.Balse sidaasoo ay tahay Iceland ma laha ciidan dhisan oo militeri ah.Waxaase uu waddankan leeyahay nidaam difaaca hawada ah, ciidamo ilaalada xeebta u qaabilsan, boolis iyo ciidamada maamulka.Militeriga Iceland lama dhisin tan iyo sanadkii 1869-kii balse waddankan waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO ee ugu awoodda badan caalamka. Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb next post Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii ugu dambeeyay You may also like Dil ka dhacay degan ka tirsan Galgaduud & xiisad ka taagan 05/06/2022 RW Rooble oo la kulmay gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guulleed 02/08/2021 Ururka Suxufiyiinta aan Xuduuda laheyn oo sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed la khatar gelinayo balse sheegay in talaabooyin wanaagsan la qaaday. 23/04/2020 Madaxweynaha Nigeria oo cambaareeyey weeraro 47 qof lagu dilay 20/04/2020 Dowladda federalka Soomaaliya oo ku eedeeysay Puntland iyo Jubbaland in ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn 07/04/2021 Gariiga oo sheegtay inaysan qaabili doonin tariibayaal ay ku jiraan Soomaaliya 08/06/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 23/07/2021 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 08/01/2022 Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galay shir looga hadlayay halka uu marayo dhaqaalaha dalka “SAWIRRO” 29/10/2020 Dhagayso + :- Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo maanta uu kadhacay banaanbax looga soo horjeeday Madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland 26/08/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.