Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan written by Warsan Radio 17/06/2022 Bogga Golobal firepower oo sanad walba soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalamka ayaa cusboonaysiin ku sameeyay xogtii sanadkan oo meelaha qaar isbaddallo laga arki karo.Sida caadiga ahaydba, xagga sare ee liiskan, saddexda dal ee ugu awoodda badan militeriga adduunka waa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo sida ay magacyadooda u kala horreeyaan isugu xiga.Hase yeeshee, haddii aad eegto meesha ugu hoosaysa, waxaa kuu muuqanaya isbaddal aan horay looga baranin liiska.Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan saddexda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalamka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Kosovo iyo Bhutan.Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad oo kasii hoos maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu dambaysa ka galay liiska.Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo.Sida ku xusan xogta GlobalFirePower, Iceland waxa ay shacabkeeda ka heli kartaa 81,474 qof oo awood u leh inay militeri noqdaan. 48,070 ka mid ah dadkaas waxay xilli kasta diyaar u noqon karaan in loo qoro ciidanka qalabka sida. Sanad walba waxaa da’da militeriga soo gaara 1,779 ruux.Balse sidaasoo ay tahay Iceland ma laha ciidan dhisan oo militeri ah.Waxaase uu waddankan leeyahay nidaam difaaca hawada ah, ciidamo ilaalada xeebta u qaabilsan, boolis iyo ciidamada maamulka.Militeriga Iceland lama dhisin tan iyo sanadkii 1869-kii balse waddankan waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO ee ugu awoodda badan caalamka. Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb next post Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii ugu dambeeyay You may also like Akhriso:-Saraakiil iyo ciidamo loo xiray arrimo la xiriira musuqmaasuq 25/08/2018 Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya 07/08/2022 laba Ruux oo lagu dilay Buulo-Burde & faah faahin laga helayo 25/01/2023 Dowlada oo sheegtay in kulankii Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare uu guul ku soo dhamaaday 24/05/2021 Maamulka gobolka Banaadir oo Albaabada u xiray goobo lagu caweeyo 23/04/2023 Ciidamada Ammaanka oo howlgalo ka bilaabay magaalada Muqdisho 24/01/2021 MW Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub 16/08/2023 Tartankii Caawa oo ku dhamaadey 14 dhibcood oo Daarusalaam B ah iyo Bardaale B oo 0 ah. 29/04/2020 Ciidamada dowladda oo Maanta howlgal kula wareegay degaanka Cadcadeey 17/11/2022 Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Marwo Martha Ama Akyaa Pobee? 08/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.