Ciidanka dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab written by Warsan Radio 17/06/2022 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Matabaan Maxaas iyo Beledweyne.Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay) ayay Ciidamadu kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd Ururka Al-Shabaab sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha.Boqolaal kamid ah Ciidanka xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaanno Macawiisleeyda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saakay lagu arkay deegaanno dhaca waqooyiga Beledweyne.Dhinaca kale ciidanka dowladda iyo ciidamada Macawiisleeyda ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Bacda ee ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus waloow weli si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii dhawaan Al-Shabaab ay isku ballaariyeen deegaanno u dhaxeeyay Beledweyne Matabaan iyo Maxaas taasi oo keentay in maamulka Gobolka Hiiraan iyo ciidanka xoogga dalka ay bilaabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. Ciidanka dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii ugu dambeeyay next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/11/2018 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 31/05/2020 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 7AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 08/11/2017 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo laabtay kadib muddo 2 bil ah uu Dhuusmareeb ku sugnaa. 07/10/2023 Uganda oo lagu qabtay nin qorsheynayay inuu is qarxiyo 28/08/2021 Security Council Press Statement on Somalia 24/04/2021 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 11/12/2016 DHAGEYSO: CASHARKII 30AAD EE TAFSIIRKA QUR’AANKA KARIIMKA EE SH. XASAN GAAB 02/02/2018 Ilhaan Cumar oo markii saddexaad loo dhaariyay xubin ka tirsan Congress-ka Mareykanka 04/01/2023 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 06/07/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.