Ciidanka dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab written by Warsan Radio 17/06/2022 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Matabaan Maxaas iyo Beledweyne.Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay) ayay Ciidamadu kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd Ururka Al-Shabaab sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha.Boqolaal kamid ah Ciidanka xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaanno Macawiisleeyda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saakay lagu arkay deegaanno dhaca waqooyiga Beledweyne.Dhinaca kale ciidanka dowladda iyo ciidamada Macawiisleeyda ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Bacda ee ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus waloow weli si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii dhawaan Al-Shabaab ay isku ballaariyeen deegaanno u dhaxeeyay Beledweyne Matabaan iyo Maxaas taasi oo keentay in maamulka Gobolka Hiiraan iyo ciidanka xoogga dalka ay bilaabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. Ciidanka dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii ugu dambeeyay next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/10/2018 Wasaaradda Waxbarashada oo Ansixisay Dhaqangalka Manhajka Dugsiyada Sare 04/08/2020 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 08/03/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 10/06/2023 Qaramada Midoobey oo ka digtay in dunida ay wajahdo Musiibo 04/08/2020 Jubbaland oo Mareykanka kala hadashay Arrimaha doorashooyinka 23/06/2022 Koox fallaago ah oo 160 Ruux ku dishay Itoobiya 08/02/2022 Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif oo ka digey dib u dhaca doorashada 18/01/2021 Sawiro ;-Maamulka Magaalada Baydhabo Oo Deeq Raashiin Ah Gaarsiiyey Dadka Danyarta Ah Ee Ku Nool Gudaha Magaalada 08/09/2022 Daadad khasaare sababay oo ku soo rogmaday Dalalka Bulgaria, Turkey iyo Gariiga 07/09/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.