DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta written by Warsan Radio 17/06/2022 Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan Magaalada Nairobi kula qaatay mas’uuliyiinta Safaaradda Canada ee Soomaaliya.Xubnaha safaaradda Kanada oo uu hoggaaminaayay xoghaya koowaad ee safaaradda ayaa warbixin ka siiyay Ergayga howlaha horumarinta iyo gargaarka isugu jira ee ay ku taageeraan Soomaaliya.Ergeyga oo dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Kanada sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Kanada ee deeqbixiyaha afaraad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay haddii qeyb ka mid ah dhaqaalaha horumarinta loo weecin karo howlaha gargaarka bini’aadannimo iyo abaaraha iyaga oo intaas ka dib ka wada hadley siyaalaha kala duwan ee ay Safaaraddu gacan uga geysan karto sare u qaadidda wacyiga iyo muujinta sawirada dhabta ah ee heerka Abaarta iyo sidoo kale saameynta guud ee Kanada ku yeelan karto hayadaha iyo waddama laga filan karo in ay gacan ka geystaan Abaarta.DhammaadMaalmihii la soo dhaafay ayaa Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Abaaraha waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlayay sidii loogu gurman lahaa dadka ay Soomaaliya ku saameeysay Abaarta. DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan next post Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo You may also like Qoysas ay barakiciyeen Duurjoog dalka Mozambique 27/05/2023 Golaha Wasiirada oo la horgeynayo magacaabida illaa 15 Safiir 14/01/2021 Tallaalka COVID-19 Oo Maanta laga daahfurey magaalada Xudur ee Bakool 06/04/2021 Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Isbitaalka ku booqday dhaawacyada dagaalii ka dhacay Galgaduud 11/01/2022 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/10/2022 Akhriro:-SJS oo ka dalbatay Madaxweynaha Soomaaliya inuusan saxiixin Xeerka Saxaafadda oo ay ku jiraan qodobbo dhibaateynaya xorriyadda saxaafadda 23/01/2020 Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo bulshada Waajid ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan “SAWIRRO “ 21/06/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 11/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 01/01/2022 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 22/02/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.