Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo written by Warsan Radio 17/06/2022 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire falagle ayaa sheegay in saaka waaberigii hore ay Al-Shabaab weerar saf ballaaran ah kusoo qaadeen degaanka Baxdo oo hoostaga Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Al-Shabaab Afarta dhinaca ee degaanka Baxdo ay kasoo geliyeen Afar Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, hayeeshee Ciidamada DANAB, kuwa daraawiishta Galmudug & kuwa degaanka oo ka feejignaa weerarkooda ay ka hortageen, isla markaana Afartii Gaari, iyaga oo aan qarxin ay la wareegeen.Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dagaal xoogan oo ka dhacay degaanka Baxdo looga saaray Al-Shabaab, isla markaana looga dilay ku dhawaad 60 Xubnood halka dhankooda ay ka dhinteen mid kamid ah Cullimada degaanka oo dagaalka kujiray & Saddex Carruur ah oo rasaastu uga tagtay Guryahooda.Al-Shabaab ayaa dhankooda goor sii horeysay sheegay in weerarkii ay ku qaadeen degaanka Baxdo ay ku dileen 27 maleeshiyaad degaanka ah, hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidamada NISA ay degaanka Baxdo kusoo bandhigeen meydadka Xubno katirsan Al-Shabaab. Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta next post Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray weerarkii Al-Shabaab ee Baxdo You may also like Qarax Ka Dhacay Boosaaso . 10/04/2019 Dowladda Soomaaliya oo sheegtay Sanadkan inay sameeyeen dagaalkii ugu weynaa ee musuq maasuqa 07/09/2020 Taliyihii hore ee Ciidanka booliska oo Xildhibaan noqday 05/03/2022 Sawiro: Taliye Maxamed Sheekh Cabdulaahi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magalada Baydhabo Kadib Safar Maalmo ah uu kusoo joogay degmada Xudur. 30/11/2019 Sawiro: Ciidamada AMISOM oo heleen gadiid cusub oo ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa awooda Ciidamada. 28/04/2020 – War Saxaafadeed – kulanka Wasiirka Waxbarashada Wasiir Faarax Cabdiqaadir iyo Madaxa Hay’adda USAID Somalia 29/02/2024 Xasan Macallin oo caddaalad degdeg ah u ballan-qaaday maxaabiista Xabsiga Dhexe 02/08/2023 Baarlamaanka Labada aqal oo manta si adag kaga doodaya wax ka bedelka Dastuurka 20/03/2024 Akhriso:- General Gorod oo ka qeybgalay shirweynaha Talisyada Ciidanka Africa iyo Mareykanka 19/04/2018 Khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya oo sii xoogeystay. 25/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.