Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka go’an ballaarinta waxbarasho tayo leh oo ay helaan carruurta SoomaaliyeedMuqdisho: Kordhinta helitaanka fursado waxbarasho oo tayo leh ayaa ah mudnaanta koowaad ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya(MOECHE). Ku dhawaad 85 boqolkiiba Soomaaliya (qiyaastii 4 milyan oo carruur ah) ayaan dugsiyo iska diiwaan gelin, taasoo la macno ah baahida loo qabo in la ballaariyowaxbarashada habboon ee la heli karo ee Soomaaliya inaysan kaliya ahayn muhiim balse ay tahay baahi degdeg ah. Hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah (USAID) ee Soomaaliya waxay iskaashi la leedahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya si loo xoojiyo nidaamka waxbarashada iyo horumarinta natiijadawaxbarashada iyadoo la kordhinayo helitaanka waxbarashada iyo ka gudbidda caqabadaha hortaagan waxbarasho tayo leh.Madaxa Hay’adda USAID Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, ayaa maanta la kulantay Wasiirka Waxbarashada Mudane Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir, si aan u xaqiijino ballan qaadkeenna wadajirka ah ee horumarinta waxbarashada gabdhaha, wiilasha iyodhalinyarada Soomaaliyeed. Iyada oo loo marayo mashaariicda Bar ama Baro (BAB),Waxbarashada Gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES), Xasilinta Iyada oo loomarayo Barnaamijka Waxbarashada (STEP), USAID waxay iskaashi la sameysay wasaaradda waxbarashada federaalka iyo wasaaradaha waxbarashada maamul-goboleedyada si loo dhiso heerar waxbarasho iyo siyaasad tayo leh, iyo ballaarinta helitaanka waxbarashada150,000 oo arday ah, oo ay ku jiraan carruurta iyo dhalinyarada aan dugsiyada dhigan ee goobaha dhawaan la xoreeyay.“Ilmo kasta oo Soomaaliya ku nool wuxuu xaq u leeyahay waxbarasho. Si ay Soomaaliya uhorumarto, waa in aan maal-gelinno hantideenna ugu muhiimsan oo ah carruurteena,” ayuu yiri Mudane Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya. “In addition to the 3,000 teachers already employed, ourcommitment to strengthening education leadership includes hiring, training, and deploying an additional 3,000 teachers on the government payroll, with increased attention to female educators and leaders.”“Marka laga soo tago 3,000 oo macalin ee horey loo shaqaaleysiiyay, waxaa naga go’an inaan xoojino maamulka waxbarashada innagoo isticmaaleyna shaqaaleysiinta, tababarida, iyo hawlgalinta 3,000 oo macalin oo dheeri oo ay dowladdu mushaarkooda bixin diinto, iyadoo fiiro gaar ah loo yeelanayo macalimiinta haweenka ah iyo madaxda.” “USAID waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya si loo ballaariyo helitaanka waxbarashada dalka oo dhan,” ayay tiri Agaasimaha Hay’adda USAID ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan Jones. “Waxaan ku amaanaynaa hogaaminta Wasiir Faarax ee dhanka waxbarashada, gaar ahaanshaqaaleysiinta, tababarida iyo hawlgelinta 3,000 oo macalin oo cusub, taasoo ka qayb qaadanaysa horumarinta waxbarashada Soomaaliya iyadoo in ka badan saddex jibaarantay tirada macalimiinta ee ay dowladdu mushaar siiso.”USAID waxa ay sii wadi doontaa iskaashiga ay la leedahay dawladda Faderaalka eeSoomaaliya si loo horumariyo jiilka soo socda ee ardayda, barayaasha iyo hogaamiyayaasha qaybta waxbarashada.