Puntland oo xukun ku riday rag loo heysto dilka Wiil Dhalinyaro ah written by Warsan Radio 19/06/2022 Maxkamadda Darajada 1aad ee Magaalada Qardho ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun ku riday 5 Nin oo kamid ahaa Maxaabiista Xabsiga Magaalada, kuwaas oo loo heysto inay dileen mid kamid ah Dhalinyarada Magaalada.Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Sharmaarke Warsame Nuux ayaa la sheegay in jirdil ay Xabsiga Magaalada Qardho oo uu ku xirnaa ugu dhex geyteen 5-ta ragga ah uu u geeriyooday Bishii la soo dhaafay ay May ee sanadkan 2022.Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dhammaan Shanta Nin ay qiraal yihiin eeda loo soo jeediyay ee ah dilka Wiilka Dhalinyarada ahaa, isla markaana lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah iyo in ay bixiyaan magta marxuumka oo u dhiganta 100 Geel ah.Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale sheegay in dilka sida uu u dhacay uu ahaa “ kas u’eke” sidaas darteedna loo khafiifiyay xukunka maxkamadda.Hayeeshee qoyska Sharmaarke Warsame Nuux ayaa xukunka Maxkamadda racfaan ka qaatay, iyaga oo ku tilmaamay mid aan cadaalad aheyn. Puntland oo xukun ku riday rag loo heysto dilka Wiil Dhalinyaro ah was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta next post Duqa Muqdisho oo Hay’adda IOM kala hadlay wax u qabashada dadka kasoo barakacay Abaarta You may also like Dhageyso: Isku soo bax roobdoon ah ayaa ka dhacay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan 14/03/2017 video Xildhibaan ka katirsan KGS ee beesha Qoomaali ayaa ku sheegay iney waxba kajirin caleema 17/09/2017 Toogasho arday lagu laayay oo ka dhacday Mareykanka 25/05/2022 Muuse Biixi: Ictiraaf raadinteena waxaan horgayndoonnaa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ 21/05/2020 Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo Maalintii labaad galay 18/01/2023 VIDEO:-Degreeto Ka Soo Baxday M KGS Shariif Xasan Ayaa Lagu Magacaabay Guddoomiyaha ee Maxakamadda Sare 14/01/2018 Dhageyso:- Qeybtii koowaad (1-aad) Barnaamijka Bidhaamiye. 09/06/2020 Hay’ado sheegay in abaartii ugu darneyd ay kajirto Soomaaliya 19/05/2022 Maxkamada Sare ee Kenya oo joojisay xiritaanka Dhadhaab iyo Kaakuma 09/04/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 31/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.