Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF written by Warsan Radio 20/06/2022 Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEFSiihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celisay sida loo soo dhaweeyay , iyada oo sheegtay inay wadashqeyn wanaagsan dhexmari doonto.Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan , ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Wakiilka Cusub, isaga oo sheegay in ay wax badan ka wada Shaqeyn doonaan. Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF was last modified: June 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post lix Carruur ah oo nafaqo darro ugu geeriyootay degmo katirsan Gobolka Hiiraan next post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray degmada Dooloow ee Gobolka Gedo You may also like Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb 03/02/2022 Wararkii ugu dambeeyay Dagaal beeleed Khasaare geystay oo ka dhacay Galgaduud 27/06/2020 Annual 16-day campaign of activism against gender-based violence is launched in Somalia 25/11/2018 DHAGEYSO:WARKA WARSAN EE HABEEN IDAACADA WARSANRADIO 7-11-2016 07/11/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha 02/11/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 28/12/2021 Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay 29/08/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga ee Idaacada Warsan 23/05/2022 Howlgal dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho 19/05/2022 Askari horay u dishay dad shacab ah oo lagu toogtay Magaalada Baydhaba 24/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.