Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF written by Warsan Radio 20/06/2022 Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEFSiihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celisay sida loo soo dhaweeyay , iyada oo sheegtay inay wadashqeyn wanaagsan dhexmari doonto.Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan , ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Wakiilka Cusub, isaga oo sheegay in ay wax badan ka wada Shaqeyn doonaan. Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF was last modified: June 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post lix Carruur ah oo nafaqo darro ugu geeriyootay degmo katirsan Gobolka Hiiraan next post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray degmada Dooloow ee Gobolka Gedo You may also like Guddoomiye Madaale oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Ankara 30/10/2023 AKHRISO:-Agaasime Koofi “Baasaboorka Soomaaliga wuxuu gaaray in dunida oo dhan laga aqoonsado” 29/07/2017 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/06/2020 Rooble oo la kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Sweden (SAWIRRO) 27/05/2021 Akhriso:-Ergeyga Gaarka ah ee QM James Swan oo Booqday Somaliland 28/07/2019 Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo 26/09/2020 DEG DEG: William Ruto oo loo doortay madaxweynaha shanaad ee Kenya 15/08/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/06/2021 Dacwad oogaha maxkamada ICC oo hos ka xariqay in maxkamada heeg loga yeedho madax waynaha rushka 06/08/2023 Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Xubnaha Guddiga Jaamacadaha Dalka (Sawiro) 10/01/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.