Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dalka kajirto Abaar daran written by Warsan Radio 21/06/2022 Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in saddexdii todobaad ee la soo dhaafay ay sii kordheysay abaarta kajirta meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadal Maanta ka jeediyay Shirka Madasha 5-aad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan aad uga waqrqabin dhibaatada abaareed ee kajirta dalka taas bedelkeedana ay ku mashuulsanayeen Arrimaha doorashooyinka.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in abaarta jirta aawgeed ay saameyn doonto 7 Milyan oo Soomaali ah Saddex milyan oo kamid ahna ay kujiraan xaalad deg deg oo qatar ah ayna sii dheer tahay macluul daran oo heyso dad u badan Carruur.Ugu dambeyn wuxuu sheegay in gurmadka la soo gaarsiiyanayo dadka ay Abaarta ku saameysay Soomaaliya ay aad u yartahay maadaamo dalalka Caalamka ay kajiraan dibaatooyin kala duwan oo keeni waayay inay gurmad sameeyaan.Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar daran oo saameysay dad iyo Duunyo, waxana hay’adaha samafalka & dowladda Soomaaliya ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay Abaarta Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dalka kajirto Abaar daran was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Akhriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Arrimaha Dastuurka ee la Magacaabay next post Galmudug & Puntland oo shir ka yeeshay Amniga Gaalkacyo You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 10/06/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/05/2021 Dhageyso-xaflad lagu tagerayo malaqa besha qomal oo lagu qabtay Magaalda muqdisho 05/10/2017 Maxay ka wada hadleyn Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS & ku xigeenka Xoghayaha guud ee hay’adda IOM 12/09/2022 Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi 24/05/2021 Dhageyso:-Gudoomiyaha Deegaanka Goof Gaduud Buureey Siidoow Cali Sheebeey ayaa Sheegay Isbitaal Casri ah, 11/09/2017 Suudaan oo ku gacan seyrtay codsi ku saabsan arrinta wabiga Nile oo uga yimid Itoobiya 13/05/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 06/11/2022 Dhageyso:-Kulun looga Hadleyey Ammanka ayaa Ka dhacay Degmada Hudur Ee Haruunta Gobolka Bokool 26/01/2017 Mareykanka oo billaabay inay si rasmi ah uga guuraan saldhigyada Balli-doogle, Muqdisho iyo Kismaayo 23/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.