Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa written by Warsan Radio 29/06/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xafiiskiisa oo kuyaalla Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu shalay xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii xilgaarsiinta ahaa ee Maxamed Xuseen Rooble.Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi barre oo xilka loo magacaabay 15-kii Bishaan ayaa waxaa xilligaan wixii ka dambeeya uu bilaabayaa wadatashiyo ku aadan sidii uu u soo magacaabi lahaa Golihiisa wasiirada, waxaana jira siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay oo doonaya inay kasoo hde muuqdaan Golihiisa Wasiirada.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu doortay magaalada Kismaayo, isaga oo sidoo kale noqday Guddoomiyihii Guddiga doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida agaajinta xiriirka Arrimaha dibadda, Shaqaaleynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu kulamo uu la qaadanayo saamileyda siyaasadeed ee dalka ka hor inta uusan soo Magacaabin golihiisa Wasiirada. Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa was last modified: June 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Madaxweynaha KGS? next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Gudoomiyihii maamulka Garissa oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Nairobi (Sawiro) 15/09/2020 Magaalada Xudur oo maanta laga oogay Salaad Roob doon ah “SAWIRRO” 16/04/2021 DHAGEYSO: BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA IDAACADA WRASAN 11/06/2023 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 22/08/2021 Senetar Cumar Cabdirashiid oo Eedeyn Kulul u jeediyey dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo. 28/02/2021 Dhageyso:-Xildhibaan Cabdi Shakuur oo ka tirsan Gudiga Amniga Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hor yimid Ciidamada Dowladda Federaalka ay u soo daabulayso Baydhabo. 01/12/2018 Daawo Maamulka KGS oo Faah Faahin Ka Bixiyay Dagaal Ka Dhacay Maanta Gobolka Bakool 25/04/2018 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 27/06/2020 Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay oo Maanta kulan Deg-deg ah yeelanaya 14/04/2024 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/10/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.