Sacuudiga oo diyaariyay qorshaha Amniga Xajka ee sanadkan written by Warsan Radio 08/07/2022 Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amniga Xajka sanadkan waxay u diyaarisay 22,000 oo qof sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.Kumannaan askarta booliska ah ayaa iyaguna ka qayb qaadanaya sugidda amniga xujeyda. Waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada booliska qaybahooda kala duwan.Ciidamadaas oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaan iyo noocyo kala duwan oo gaaddiid ah.Maamulka magaalada Maka waxay howlgeliyeen dhammaan shaqaalihii iyo dhaqaalihii ay ugu talagaleen in lagu ilaaliyo amaanka xujeyda.Ciidamada dhulka ee boqortooyadu waxay iyaguna ka qayb qaadanayaan amniga goobaha ay Xujeydu acmaasha ku gudanayaan si ay uga hortagaan wax kasta oo waxyeello u geysan kara martida xaramka soo booqatay.Xujeyda waxaa u adeegaya gaadiid isugu jira basas iyo tareen casri ah.Dhammaan magaalooyinka Maka iyo Madiina iyo goobaha ay acmaasha xajku ka dhacayaan hawada sare waxaa ka ilaalinaya oo iyaguna heegan ku jira ciidamada cirka boqortooyada Sacuudi Carabiya.Boqortooyada Sacuudiga malaayiinta qof ee xajka gudaneyso waxay u diyaarisay adeeg caafimaad oo dhammeystiran.Wasaaradda Caafimaadka Sacuudi Carabiya waxay sheegtay magaalooyinka Maka iyo Madina inay ku diyaarisay 23 isbitaal iyo 147 xarumo caafimaad oo xujeyda u adeegto.Isbitaalladaas iyo xarumahaas caafimaad waxaa lagu diyaariyay in ka badan 1,000 sariir oo loogu talagalay xaaladaha degdegga ah, 200 oo sariir oo loogu talagalay dadka kuleylka uu saameeyo, iyo xirfadleyaal caafimaad oo ka badan 25,000.Waxaa sidaas oo kale la diyaariyay gaadiidka gurmad caafimaad ee dedgegga ah ee loo yaqaanno bukaan-la-roor (Ambulance) oo isugu jira 100 yaryar iyo 75 noocyo waaweyn ah.Dadka laga helo cudurka Covid-19 waxaa iyagana loo diyaariyay xarumo u gaar ah oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalo.Hal milyan oo qof ayaa xajineysa sanadkan.Xigasho Bbc Somali Sacuudiga oo diyaariyay qorshaha Amniga Xajka ee sanadkan was last modified: July 8th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo qorsheynaya in iskaashi Amni uu la yeesho Somaliland next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada warsan You may also like Rooble oo soo dhaweeyay soo gudbinta liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare 28/07/2021 Dhageyso+Sawiro:-Madaxweynaha KGS Cabdisiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo howlo shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada baydhabo 28/07/2019 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 18/01/2017 Dhageyso:-Qeybta 7 aad ee Barnaamijka Beeraha 06/11/2020 Golaha Shacabka Barlamaaka Soomaliya oo Maanta kulan yeelanaya & Farmaajo oo tagaya 21/08/2022 Ruushka Iyo Mareykanka Oo Shir Qarsoodi Ah Ka Yeeshay Arrinta Ukraine 09/11/2022 Dhageyso Ku celis Barnaamij looga hadlaayo Barashada Nafaqada Wanaagsan iyo Badqabka Cunada 15/02/2021 Macaluul xun oo ay soo wajahday dalal badan oo ku yaalla dunida 11/07/2022 Dhageyso:-Dagaal Ka dhacay Deegaanada Xoos Yimada Degmada qansax dhere Ee Gobolka Bay 01/02/2017 Akhriso:-Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya oo kulmay iyagoona ujeedkoodu ahaa sidii ay ansixin lahaayeen gudiga qabanqaabada doorashooyinka koofur galbeed 17/11/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.