Sacuudiga oo diyaariyay qorshaha Amniga Xajka ee sanadkan written by Warsan Radio 08/07/2022 Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amniga Xajka sanadkan waxay u diyaarisay 22,000 oo qof sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.Kumannaan askarta booliska ah ayaa iyaguna ka qayb qaadanaya sugidda amniga xujeyda. Waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada booliska qaybahooda kala duwan.Ciidamadaas oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaan iyo noocyo kala duwan oo gaaddiid ah.Maamulka magaalada Maka waxay howlgeliyeen dhammaan shaqaalihii iyo dhaqaalihii ay ugu talagaleen in lagu ilaaliyo amaanka xujeyda.Ciidamada dhulka ee boqortooyadu waxay iyaguna ka qayb qaadanayaan amniga goobaha ay Xujeydu acmaasha ku gudanayaan si ay uga hortagaan wax kasta oo waxyeello u geysan kara martida xaramka soo booqatay.Xujeyda waxaa u adeegaya gaadiid isugu jira basas iyo tareen casri ah.Dhammaan magaalooyinka Maka iyo Madiina iyo goobaha ay acmaasha xajku ka dhacayaan hawada sare waxaa ka ilaalinaya oo iyaguna heegan ku jira ciidamada cirka boqortooyada Sacuudi Carabiya.Boqortooyada Sacuudiga malaayiinta qof ee xajka gudaneyso waxay u diyaarisay adeeg caafimaad oo dhammeystiran.Wasaaradda Caafimaadka Sacuudi Carabiya waxay sheegtay magaalooyinka Maka iyo Madina inay ku diyaarisay 23 isbitaal iyo 147 xarumo caafimaad oo xujeyda u adeegto.Isbitaalladaas iyo xarumahaas caafimaad waxaa lagu diyaariyay in ka badan 1,000 sariir oo loogu talagalay xaaladaha degdegga ah, 200 oo sariir oo loogu talagalay dadka kuleylka uu saameeyo, iyo xirfadleyaal caafimaad oo ka badan 25,000.Waxaa sidaas oo kale la diyaariyay gaadiidka gurmad caafimaad ee dedgegga ah ee loo yaqaanno bukaan-la-roor (Ambulance) oo isugu jira 100 yaryar iyo 75 noocyo waaweyn ah.Dadka laga helo cudurka Covid-19 waxaa iyagana loo diyaariyay xarumo u gaar ah oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalo.Hal milyan oo qof ayaa xajineysa sanadkan.Xigasho Bbc Somali Sacuudiga oo diyaariyay qorshaha Amniga Xajka ee sanadkan was last modified: July 8th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo qorsheynaya in iskaashi Amni uu la yeesho Somaliland next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada warsan You may also like Sawiro;-Madaxweyne Laftagareen oo Wafdi ka socda Q/ Midoobay oo Qaabilay 03/09/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 18/09/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 20/06/2020 Dowladda Somalia Oo Shaacisay Tirada Dad Cusub Oo Laga Helay COVID-19 09/02/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 08/09/2021 Dhageyso: Barnaamijka Waxbarashada ee Idaacada Warsan 06/05/2023 Akhriso:-Meydadka dadkii ay Ciidamada Mareykanka ku xasuuqeen Bariire oo la keenay Isbitaalka madiina 25/08/2017 VIDEO:-Wasaarada Amniga Oo Natiijo Hordhac Ah Ka Soo Saartay Weerarkii Ka Dhacay Xamarweyne 02/10/2017 Ciidamada dowladda oo weeraray degaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab 25/01/2023 Wakiilka Gaarka ah ee QM James Swan oo la hadlay saxaafadda intii uu ku guda-jiray booqashada Hargeysa 09/01/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.