Puntland oo faah faahisay dagaalkii ka dhacay Garoonka Boosaaso & diyaaradii la celiyay written by Warsan Radio 11/07/2022 Wasiirada Wasaaradda Amniga iyo Arrimaha gudaha ee dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan & Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa ka warbixiyay iska hor imaad ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ku dhexmaray Magaalada Boosaaso & diyaaradii maanta laga celiyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.Wasiirada Wasaaradda Amniga Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha boosaaso ay yimaadeen Ciidamo katirsan kuwa PSF, iyaga oo doonayay inay gudaha u galaan garoonka, balse taasi ay ka biyo diideen ciidamada ilaalada ka haaya.Wuxuu sheegay in Puntland ay mamnuuday in Ciidamo lala galo dhamaan garoomada diyaaradaha, isla markaana isaga ilaaladiisa markii uu alayo Garoonka uu banaanka kaga tago, hayeeshee dagaalkii Maanta uu sabab ahaa Ciidamada PSF oo doonayay inay hubka la galaan Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka hadlayay diyaaradii laag celiyay garoonka boosaaso oo ay saarneyd kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa sheegay in si kedis ah uga warheleen in diyaarad sida gargaar ay kasoo degi rabo garoonka diyaaradaha magaalada boosaaso.Waxaa uu sheegay Wasiirka in ay jirtay wargelin la’aan ku saabsan in garoonka magaalada Boosaaso laga soo dejiyo gargaar aan lagu soo warelin Hay’adaha kala duwan ee Puntland, hayeeshee laga ogaaday markii ciidamada PSF ee garoonka tegay ay Hay’adaha Amniga u sheegeen inay diyaaradaas sugayaan.Wuxuu ku baaqay in tallaaba kasta iyo waxkasta oo la keenayo degaannada Puntland lala soo wadaago hay’adaha ay quseyso, maadaama dalka uu kujiro xaalad adag, sidoo kalena dhawaan Soomaaliya ay yeelatay dowlad cusub. Puntland oo faah faahisay dagaalkii ka dhacay Garoonka Boosaaso & diyaaradii la celiyay was last modified: July 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Boosaaso next post Dhageyso:-Warka Caawa ee Radio Warsan You may also like RW Rooble oo Munaasabad soo dhaweyn u sameeyay Guddigii Somalia ee Maxkamadda ICJ 17/10/2021 Dhageyso:-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Somaliy Ugees Xasan Cabdi 13/07/2016 Xasan Sheekh oo ka digay in dalku noqdo Dastuur la’aan (Qoraal uu u diray Madaxda dalka) 13/12/2020 VIDEO Xaflad Lagu Caleema saareyey Gudoomiyaha & Xogayaxa Midowaga Ardada Jamacada UPJB ayaa Ka dhacadey 18/03/2017 Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta kusii jeeda Magaalada Kismaayo 26/11/2023 DHAGEYSO: Warka Duhur Idaacada Warsan 07/04/2020 Maxay ka wada hadleen Wasiir Cali Balcad & Xoghayaha Ganacsiga Midowga Africa? 17/02/2024 Diiwaangelinta musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo bilaabaneysa 02/11/2020 DHAGAYSO, SHEIKH NUR ABIIKAR QAASAM OO AH REER KOONFUR GALBEED WAREYSI SIIYEY WARSARAN 03/12/2016 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 21/09/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.