Xubno kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS oo uu hoggaaminaayo Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mudane Mustaf Adaf ayaa bilaabay kulamo wadatashi ah kaasi ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur
Kulanka maanta ayaa waxaa uu daarnaa dib-udoorashada golaha deegaanka ee Degmada Hudur waxaana ka qeybgalay guddoomiyaha Gobolka Bakool Mudane Mohamed Abdi Tool kuxigeenada gobolka maamulka Degmada Xudur.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur galbeed ayaa wado dadaalo dib loogu dhisaayo golayaasha Deegaanka ee muddo xileedkoodu dhamaadey ayadoo sidoo kale dardargelinaysa dhismaha Degmooyinka kale ee u baahan dhismaha golayaasha Deegaanka si dowlad goboleedka koonfur galbeed ay u meel mariso daadajinta hanaanka dowladaha hoose.