Baydhabo-{WMN}-Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid oo ka mid ah siyaasiyiin Muqdisho uga dhawaaqay is baheysi ka dhan ah Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la magac baxay “Badbaadada Jubbaland” ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaa doonin mudo kororsiga uu ku dhawaqeen baarlamaanka Jubbaland.
Wuxuu sheegay in qorshaha mudo kororsiga ah aysan ku qanacsaneyn xubnihii codeeyey ee baarlamaanka Jubbaland, balse uu ku yimid amar uu bixiyey Axmed Madoobe oo jooga Dubai Imaaraadka.
Janan oo mar saaxiib dhow la ahaa Axmed Madoobe, hadda wuxuu carabka ku adkeeyey in qorshahoodu uu yahay in Axmed uusan wax talo ah mar dambe ku yeelan doorashooyinka Jubbaland.
Siyaasiyiin iyo waxgarad miisaan ku leh siyaasadda deegaanada Jubbaland ayaa isbaheysigaan uga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray “Badbaadada Jubaland” waxaana Godoomiyaha isbadal doonkaan loo doortay nin lagu magacaabo Aadan Afey, kaas oo sheegay in dhowaan ay tegi doonaan Kismaayo.