Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe written by Warsan Radio 24/08/2022 Baydhabo-{WMN}-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Goboledka puntland oo maanta ku sii jeedo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe was last modified: August 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Xukuumadda Soomaliya oo faah faahisay qodobada Shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socodey You may also like Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay 10/06/2020 Golaha ammaanka oo ku boorriyay hoggaamiyeyaasha is haya ee Soomaaliya inay xalliyaan khilaafkooda 19/09/2021 11 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob cunto lagu qaybinayey 01/04/2023 QM Oo War Kasoo Saartay Duqeyn Itoobiya La Beegsatay Xarun Xannaano 27/08/2022 Villa Somalia oo war ka soo saartay shirka Dhuusamareeb iyo goorta uu gaarayo Farmaajo 15/08/2020 Akhriso:-Dowladda oo War ka soo saartay xaalada Carruur ay ka soo furatay Al-shabaab 24/01/2018 Wasaarada howlaha guud ee dowladda Soomaaliya 11/07/2016 Faah Faahin: Rag Hubeysan Oo Ka Dhex Dagaalamaya Hotel Ku Yaal Magaalada Muqdisho 20/08/2022 Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska Nabadeed ee Suudaan+Sawirro 03/10/2020 Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadalay weerarkii askar lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka Dalkaasi 09/10/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.