Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe written by Warsan Radio 24/08/2022 Baydhabo-{WMN}-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Goboledka puntland oo maanta ku sii jeedo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe was last modified: August 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Xukuumadda Soomaliya oo faah faahisay qodobada Shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socodey You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/08/2020 Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay qeybo ka tirsan Mareykanka 24/07/2022 NUSOJ mourns the death of a Journalist killed in Mogadishu twin blasts 22/12/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 10/02/2021 Wasiir dowlaha Caafimaadka oo daah furtay ololaha tallaalka Dabaysha 27/05/2023 Al-Shabaab oo dad badan ka afduubtay deegaano ka tirsan Gobalka Baay 21/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Dhalanyarada Idaacada Warsan 31/07/2023 Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Ugu Tegay Booliiska Gaarka u Tababaran Ee Ka Qeyb Qaadanaya Sugidda Amniga Dhuusamareeb 03/09/2019 Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka munaasabadda 12 April 12/04/2021 Madaxweyne Erdogan oo si caro uga hadlay Heshiiska Imaaraadka iyo Isra’il Hanabaadna diray 15/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.