Maleeshiyaad hubeysan oo Wiil & Aabihiis kudilay degaan katirsan Gobolka Mudug written by Warsan Radio 17/10/2022 Maleeshiyaad hubeysan ayaa Maanta Barqadii waxaa ay duleedka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug Puntland kudileen Wiil Aabihiis, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.Goobjooayaal ayaa sheegay in Wiilka iyo Aabihiis oo ahaa Xoolo dhaqato ay raga hubeysan dhowr xabadood ku dhufteen, halkaasna ay ku geeriyoodeen, xilli ay la jireen xoolo ay lahaayeen.Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka loo geystay Wiilka iyo Aabhiis, waxana wararka ay sheegayaan in uu la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal horay uga dhacay degaano katirsan gobolka Mudug.Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo wada baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkaas.laamaha Amiga gobolka Mudug iyo kuwa degmada bursaalax ayaan weli hadlin dhacdadaan, hayeeshee dhowr jeer ayaa dilal la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen degaano katirsan gobolka Mudug, kuwaas oo la xaliyay. Maleeshiyaad hubeysan oo Wiil & Aabihiis kudilay degaan katirsan Gobolka Mudug was last modified: October 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Qatar oo Safiir Cusub u soo Magacaabatay Soomaaliya You may also like AKHRISO:-Doorashada Kursigii ugo horeeyay Beesha Abgaal oo Haween ay ku tartamayaan oo maanta ka dhaceysa Jowhar 29/11/2016 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 13/09/2022 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika 18/07/2023 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/11/2022 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 17/07/2017 Maareeyihii hay’adda Is-gaarsiinta Qaranka Soomaaliya oo is-casilay 17/07/2020 Madaxweyne Waare oo ka hadlay Dil loo geestay Wasiir katirsaaa maamulkiisa amarna bixiyay 18/08/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 09/07/2021 Duqa Muqdisho oo Hay’adda IOM kala hadlay wax u qabashada dadka kasoo barakacay Abaarta 19/06/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 20/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.