Xukuumada Somalia oo sheegtay in dhaawacyada Caafimaad dibadda ah loo qaadi doono written by Warsan Radio 30/10/2022 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqdey Isbitaalada la geeyey dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada halka Maamulka Isbitaalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Telfoonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaaladda dhawacyada la gaarsiiyey xarumahooda Caafimaad.Wasiirka ayaa dhaawacyada yaala Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex Digfeer u dul istaagey mid mid waxa uuna Maamulka iyo Dhaqaatiirta farey in ay hellaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran si cadowga loo tuso in dadkan aysan waxba katari karin talaabo kasto oo guracan oo ay qaadaan.Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada uu Wasiirka tagey ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada qaar kood inkastoo ay jiraan kiisas culus oo u baahan dibadda, waxa ayna sheegeen in ay helli doonaan baxnaano fiican iyo adeeg Caafimaad oo tayo leh.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiri karaan Xukuumada Somalia oo sheegtay in dhaawacyada Caafimaad dibadda ah loo qaadi doono was last modified: October 30th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliiska dalka Kenya oo dacwad lagu soo oogay next post Dowladda Turkiga & qaar kamid ah dalalka Carbeed oo ka hadlay qaraxyadii Soobe You may also like Dowxa: Teliyaha NISA iyo Teliyaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta oo Gaarey Dalka Qatar. 26/09/2020 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/07/2022 DHAGEEYSO:-DAAWO SAWIRADA:-Kulan Bulsho guud oo Maanta ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 26/11/2016 Sawiro;-Axmed Madoobe oo Magalada Muqdisho soo gaaray 10/09/2022 Dhageyso;- Warka Galab ee Idaacada Warsan 22/04/2022 Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray Xerooyin Ciidan oo ku yaal Duleedka Muqdisho 30/07/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/09/2019 Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Safiirka kenya ee muddo xileedkiisa dhamaaday 07/08/2022 Cumar Cabdirashiid iyo Gaas oo tegay Garoowe kuna dhawaaqay hadal kulul 03/07/2023 Daawo Muqaalkaan Waxaa Maanta Lasoo Gebabeyey Tartan u Dhaxeeyey 4 Farta Xaafadood oo uga Weyn Magaaalada Baydhabo 27/12/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.