Xukuumada Somalia oo sheegtay in dhaawacyada Caafimaad dibadda ah loo qaadi doono written by Warsan Radio 30/10/2022 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqdey Isbitaalada la geeyey dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada halka Maamulka Isbitaalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Telfoonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaaladda dhawacyada la gaarsiiyey xarumahooda Caafimaad.Wasiirka ayaa dhaawacyada yaala Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex Digfeer u dul istaagey mid mid waxa uuna Maamulka iyo Dhaqaatiirta farey in ay hellaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran si cadowga loo tuso in dadkan aysan waxba katari karin talaabo kasto oo guracan oo ay qaadaan.Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada uu Wasiirka tagey ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada qaar kood inkastoo ay jiraan kiisas culus oo u baahan dibadda, waxa ayna sheegeen in ay helli doonaan baxnaano fiican iyo adeeg Caafimaad oo tayo leh.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiri karaan Xukuumada Somalia oo sheegtay in dhaawacyada Caafimaad dibadda ah loo qaadi doono was last modified: October 30th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliiska dalka Kenya oo dacwad lagu soo oogay next post Dowladda Turkiga & qaar kamid ah dalalka Carbeed oo ka hadlay qaraxyadii Soobe You may also like Waa tuma ergayga cusub ee Qaramada Midoobey u soo magacawday Soomaaliya? 04/05/2023 Taliyaha Ciidanka dhulka oo kormeeray dugsiga tababarka Ciidanka ee jeneraal Gorda 07/09/2021 Sawiro:-Madaxweyne Laftagareen ayaa Hay’adda IOM kala hadlay gurmadka Abaaraha KGS 23/08/2022 Guddiyada Farsamo Ee DF Iyo Maamul Goboleedyada Oo Shir Uga Furmay Baydhabo 15/02/2021 Hey’adda UNHCR oo War Ka Soo Saartay Fatahaadaha Webiyada Soomaaliya 08/08/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 02/11/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 16/05/2023 Israa’iil iyo Falastiin oo heshiis xabbad joojin gaaray 21/05/2021 Weeraro hoobiyayaal ah oo Baydhabo maalin cad lagu soo qaaday. 11/04/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.