Tiro hoobiyaal ah oo laga soo tuuray duleedka magaalada Baydhabo ayaa ku soo dhacay cirifka Koonfureed ee magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku yaalaan xerooyin ay deganyihiin barakcayaal.
Hoobiyaasha soo dhacay ayaa gaaraya ilaa iyo lix hoobiye, mana jiraan khasaare la soo sheegayo oo ka dhashay hoobiyaasha, waxaana goobjoogayaal ku sugan halka ay hoobiyaasha ku soo dhaceen oo loo yaqaano Warta Danooleey, oo ku dhow Gurigaab oo qiyaastii 2 KM u jirta magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in hoobiyayaasha ay ku dhaceen meel banana ah oo cidna waxba ku noqonin.
Weerarka hoobiyayaasha ayaa la ogayn cidda ka danbaysa, balse waxaa la tuhunsanyahay in ay halka ay hoobiyayaasha ayaa ah goobo ay ku suganyihiin Al-shabaab oo ay horay dhoowr jeer uga soo qaadeen weeraro hoobiyayaal noocan oo kale ah oo ay la beegsan jireen xarumaha Dowlad goboleedka iyo AMISOM.
Balse weerarkan hoobiyayaalka Baydhabo lagu soo qaaday ayaa ah kuwa dharaar cad lala soo eegtay Baydhabo, waxayna muujinayasaa tani habacsanaanta amaanka Baydhabo halka uu marayo.