Dowladda Turkiga & qaar kamid ah dalalka Carbeed oo ka hadlay qaraxyadii Soobe written by Warsan Radio 30/10/2022 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa kulamo doceedyo kula yeeshay Caasimadda Algiers intii uu socday kulanka loogu gogol-xaarayay Shir madaxeedka Carbeed ee 31aad, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, Fuad Hussein, iyo qaar kale oo dhiggiisa ah, oo ay ka midyihiin, Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Suudaan, Amb. Ali Al-Sadiq Ali, Liibiya Dr. Najla Elmangoush, Falastiin Dr. Riyad Al-Malki, iyo Sheikh Khalifa bin Ali Al-Harthy oo ah Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Saldanadda Cumaan u qaabilsan Arrimaha Diblomaasiyadda.Kulamadaasi ayaa loogaga hadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha lagu xoojin karo, iyada oo qaar kamid ah mas’uuliyiinta dalalka Carbeed ay ballan qaadeen in dalalkooda ay ku daweyn doonaan qaar kamid ah qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.Wasiiradaasi iyo Mas’uuliyiinta Carbeed ee ka qeybgalay kulanka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dhibanayaasha weerarii lagu beegsaday dhismaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ku yaalla agagaarka Isgoyska mashquulka badan ee loo yaqaan Soobe ee Caasimadda Muqdisho, iyaga oo u rajeeyay dhammaan dadka ku dhaawacmay caafimaad-qab iyo bogsasho degdeg ah, waxa ayna caddeeyeen inay garabtaaganyihiin Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed.Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa cambaareysay qaraxyadii is xigxigay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdiso, kuwaas oo dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen, Saraakiil Ciidan, mas’uuliyiin dowladeed iyo dad Shacab ah oo aad u farabadan.“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxisada ah, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo sidoo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah ayaa lagu yiri” Warka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. Dowladda Turkiga & qaar kamid ah dalalka Carbeed oo ka hadlay qaraxyadii Soobe was last modified: October 30th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xukuumada Somalia oo sheegtay in dhaawacyada Caafimaad dibadda ah loo qaadi doono next post Magaalooyinka Shiinaha ayaa ku dhiiraday mowjadda shaqaalaha Foxconn ee COVID-ku dhuftay Zhengzhou You may also like Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Shariif Xasan oo Muqdisho soo gaaray 27/08/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 02/08/2020 Akhriso:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo booqday Xarunta Baarlamaanka Jabuuti 26/06/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 21/11/2020 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay qeybaha bulshada Degmada Baraawe 04/10/2021 Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadalay weerarkii askar lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka Dalkaasi 09/10/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/11/2020 Dhageyso:- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 17/03/2022 Madaxweyne Trump oo saxiixay sharci uu diidanaa 30/12/2020 Booliska oo sheegay inay Muqdisho kudileen Nin weerar geystay 06/02/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.