Mareykanka oo cunaqabateyn saaray xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya written by Warsan Radio 02/11/2022 Wasaaradda Lacagta ee dalka Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya.Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray waxaa ku jira Cabdirahman Mohamed Cumar, oo lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Daacishta Soomaaliya, iyo inuu yahay xubinta ugu firfircoon ee laga soo bilaabo 2020-kii hubka sharcidarada ah kasoo dejiya Puntland, sida ay qortay Reuters.Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Ciise Mohamoud Yusuf, oo lagu eedeeyey inuu hubka iyo saadka ufududeeyo Al-Shabaab, islamarkaana uu soo geliyo Puntland hub.Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Cabdirahman Faahiye oo lagu sheegay inuu yahay Amiirka Daacish Soomaaliya, iyo Maxamed Axmed Qaxiye oo la sheegay inuu yahay madaxa Amniyaatka. Mareykanka oo cunaqabateyn saaray xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya was last modified: November 2nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Suudaan Oo Soomaaliya Ka Taageeraysa La Dagaalanka AL-Shabaab next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Akhriso:- Xafiiska Hanti Dhowrka Guud oo iska fogeeyay eedeymo uga yimid Maamul goboleedyada 11/09/2018 Akhriso:-Farmaajo oo lakolmay dhigiisa masar 23/04/2019 Dowlada Federaalka somaaliya Oo Ogolaatay Heshiiskii Shidaalka Ee Lala Galay Shirkadda Coastline Exploration 21/10/2022 Ruushka oo talaabo adag ka qaaday dalka Finland 21/05/2022 Sawiro:-Masuulin Katirsan KG Oo Kaqeyb Galey Xaflad Lagu Abaalmarinaayey Xafadihii Kugulaystey Tartan Aqoneedkii Idaacada Warsan Ay Qabatey 07/09/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 14/01/2023 Dagaalka Laas-Caanood oo xoogeystay & Saraakiil ku geeriyootay 06/02/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/04/2021 Dhageyso: Warka Galab ee Idaacada Warsan 25/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.