Akhriso: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen RW Xamse Barre Iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti written by Warsan Radio 09/11/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.Ra’iisul Wasaare Xamse oo uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan.Mudane Cabdulqaadir Kaamil Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse waddankiisa labaad, isla markaana ay booqashadiisu muujineyso iskaashiga iyo xiriirka sokeeye ee taariikhiga ah.Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xubnaha wafdigiis ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, si loo sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, loogana miro-dhaliyo hiigsiga ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.Waxaana RW Xamse oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaynaysay oo ku aaddanayd socdaalkiisa, waxaana uu sheegay in Casuumaaddiisa ay timid, kadib markii labada Ra’iisul Wasaare ay horay ugu kulmeen dalka Tunisa, markaasi oo ay isla Qorsheeyeen in ay ku kulmaan dalka Jabuuti. Akhriso: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen RW Xamse Barre Iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti was last modified: November 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la yeelanaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. 26/08/2022 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/02/2020 DAAWO MUUQALAKA: Muhiimada Qodobadii Laga Soo Saaray Shirkii Madaxda Maamul Gobaledyada Iyo Dowlada Dhexe 05/11/2017 Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland Oo Muqdisho soo Gaaray Iyo Soodhaweyn Loo Sameeyay 01/09/2020 Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Puntland, eedeyna u jeediyey DF 21/06/2020 Dhageyso:-Ku celiska Barnaamijka Barashada habka fiican ee Beerashada 29/12/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 02/07/2021 Faransiiska Oo Qaadaya Talaabo Ka Dhan Ah Dadka Muslimiinta Ah 03/12/2020 Dhageyso+Sawiro:-Dood ku Saabsan ka qeyb galaka gabdhaha siyaasada. 25/09/2021 Horjoogayaal A-lshabaab ah oo lagu dilay duqayn ka dhacday Jubbada hoose 08/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.