Akhriso: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen RW Xamse Barre Iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti written by Warsan Radio 09/11/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.Ra’iisul Wasaare Xamse oo uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan.Mudane Cabdulqaadir Kaamil Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse waddankiisa labaad, isla markaana ay booqashadiisu muujineyso iskaashiga iyo xiriirka sokeeye ee taariikhiga ah.Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xubnaha wafdigiis ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, si loo sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, loogana miro-dhaliyo hiigsiga ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.Waxaana RW Xamse oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaynaysay oo ku aaddanayd socdaalkiisa, waxaana uu sheegay in Casuumaaddiisa ay timid, kadib markii labada Ra’iisul Wasaare ay horay ugu kulmeen dalka Tunisa, markaasi oo ay isla Qorsheeyeen in ay ku kulmaan dalka Jabuuti. Akhriso: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen RW Xamse Barre Iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti was last modified: November 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Ciidanka DF iyo ciidanka Sh Mukhtaar Roobow oo deegaano muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab 07/06/2020 Geesi isu xilqaammay daryeelka iyo daweeynta dadka dhimirka ka xanuunsan 11/10/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 22/05/2021 Ciidanka Koonfur Galbeed Oo Dagaal Kula Wareegay Degaan 35 KM u jira degmada Diinsoor 10/10/2020 Dowladda Mareykanka & DFS oo ka wada hadlay horumarinta kalluumeysiga gudaha Dalka. 12/09/2022 Maxkamadda CQS oo xukun dil fulisay 24/10/2022 Dowladda Soomaaliya oo Iran ka dalbaday inay jawaab ka bixiso jarriifka maraakiibteedu ku hayaan biyaha Soomaaliya 04/07/2020 Puntland oo Wasiirro u xil saartay Xaaladda dadka laga soo raafay Laascaanood 04/10/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 18/05/2021 Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay in adeegyadii Waxbarashada la sii joogteeynayo 25/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.