Wararkii ugu dambeeyay ee weerar loo adeegsaday qarax iyo rasaas oo ka dhacay Muqdisho written by Warsan Radio 28/11/2022 Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerareen hoteel ganacsi oo ku yaal bartamah Muqdisho.War qoraal ah oo loo diray saxaafadda ayaa booliisku waxay sheegeen inay koox “Khawaarij” ah weerareen hoteel ku yaalla degmada Boondheere ee Muqdishu.Booliiska ayaa intaas ku daray in ciidamada ay wadaan hawlgal lagu soo afjarayo weerarka.Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka.Goobjoogayaal ku sugan Muqdishu ayaa VOA Somali u sheegay in weerarka uu ku bilowday qarax, kadibna maleeshiyaad ay weerareen hotelka.Qaraxa hore ayaa la sheegay inuu dhacay 8:5pm waqtiga Muqdishu.Al-Shababa ayaa sheegay inay qaadeen weerar ismiidaamin ah caawa magaalada Muqdishu.Ilaa hadda ma cadda khasaaraha weerarkan. Villa Rossa ayaa la sheegay iay tahay goob ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta iyo siyaasiyinta dawladda.Weerarkan ayaa imanaya iyadoo dawladda Soomaaliya ay toddobaadkii hore sheegtay inay muddo saddex bilood ah hawlgallo socday ay ciidamada dawladda iyo dadka degaanku ku dilene in ka badan 600 oo mintiidiin ah, kuna dhaawaceen 1200 kale, halka ay qabsadeen 68 degaan. Wararkii ugu dambeeyay ee weerar loo adeegsaday qarax iyo rasaas oo ka dhacay Muqdisho was last modified: November 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DEG DEG: Wasiiro ka badbaaday ka qaraxa iyo masuuliyiin ku dhaawacmay next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Malaaq Deeroow Yacquub oo niyad sami ka muujiyay doorashada KG in ay waqtigeeda ku qabsoomi doonto. 08/12/2018 Daawo Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye , ayaa Maanta si Rasmi ah usoo Xirey Bandhigga Baydhowa, 04/08/2019 Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Biyacadde iyo ujeedka socdaalkiisa 02/10/2023 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada warsan 22/03/2022 Sawiro: Tartan Ciyaareed Oo Laga Dahfurey Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay. 02/07/2020 Al-Shabaab oo isaga baxay Galcad 27/12/2022 Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacada Warsan 28/09/2022 Kulamo xal raadin ah oo ka socda Magaalada Garoowe iyo xoo laga helay 18/07/2023 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 15/02/2018 Madaxda dowladda oo Salaadda Ciida dadweynaha kula tukaday Masjidka Cali Jimcaale 09/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.