Madaxweyne Xasan Sheekh oo shiinaha kala hadlay dagaalka Al-Shabaab written by Warsan Radio 10/12/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan Alshabaab.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada khawaaarijta, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa halkaas kala qeyb galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta Madadha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo lagaga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mabdiqadda, horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shiinaha kala hadlay dagaalka Al-Shabaab was last modified: December 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post Booliska Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kala saxiixday You may also like War murtiyeed lagasoo saaray shirkii Puntland iyo Jubbaland iyo Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho 27/08/2020 Madaxweyne Deni Oo Maanta Hortegaya Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland 17/04/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 05/12/2017 Midowga Musharaxiinta oo uga digay shirkadaha shidaalka inay ku kadsoomin shatiyada dowladda xilligeedu dhamaaday 05/12/2020 Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Guddi Baaris U Magacaabay Weerarkii Gaalkacyo 24/04/2022 DHAGEYSO: Warka Caawa ee Idaacada Warsan 10/03/2020 Dowladda Soomaaliya Oo Ciidamo Farabadan Ka Dejisay Magaalada Gaalkacyo 09/01/2023 DHAGEYSO: URURKA DHALIN YARADA DIINSOOR “WAXBA NAMA SIISO WASAARADA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA KGS . 10/07/2018 MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGACAABAY WASIIRKA KOOWAAD EE DALKA 18/09/2020 Dowladda Somalia oo ka warbixisey xaaladihii u dambeeyey ee Coronavirus 17/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.