Madaxweyne Xasan Sheekh oo shiinaha kala hadlay dagaalka Al-Shabaab written by Warsan Radio 10/12/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan Alshabaab.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada khawaaarijta, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa halkaas kala qeyb galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta Madadha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo lagaga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mabdiqadda, horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shiinaha kala hadlay dagaalka Al-Shabaab was last modified: December 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post Booliska Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kala saxiixday You may also like Xildhibaan Xasan Yare “ Dowladdu waa in siyaasaddeeda oo la taageero aysan halis u gelin caafimaadka shacabka” 08/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha Qeybta 9 aad 20/11/2020 Xildhibaan Cabdi Cali “Waa Been, Baarlamaanka ma rabo muddo kororsi” 09/08/2020 MW Laftagareen Oo qaabilay Gudiga Taakuleynta Dadkii lagasoo Masaafuriyey Laascaanood-SAWIRO 14/10/2021 Ciidanka DANAB oo la wareegay deegaano Cusub 20/04/2020 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 05/09/2017 DHAGEYSO: BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 08/10/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 10/10/2020 Dowlada Sweden oo Kordhineysa Waqtiga lagu helo Lacagta Kaalmada Dheerriga ee Guryaha 24/10/2022 Hirshabeelle oo maanta qaban doonta doorashada Saddex kursi 30/04/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.