Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo guddiga cusub ee doorashooyinka Ammar siiyay written by Warsan Radio 11/12/2022 Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galay, munaasabad casho sharaf ah oo lagu dhaarinayay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug.Madaxweyne ku xigeenka oo kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay la yimaadaan hufnaan iyo karti ay ku gutaan waajibaadka saaran ayaa tilmaamay in Maamulka iyo shacabka Galmudug ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka dowlad dhiska, maamul daadajinta iyo dimuqraadiyadda.Waxaa uu faray inay dardar geliyaan shaqooyinka loo igmaday ee la xiriira diyaarinta sida degaannada Galmudug looga qaban karo doorashooyin qof iyo cod ah.Munaasabadda dhaarinta Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baaralamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, Xeer ilaaliyaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug .Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo guddiga cusub ee doorashooyinka Ammar siiyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo guddiga cusub ee doorashooyinka Ammar siiyay was last modified: December 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dad Soomaali ah oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Kenya You may also like DHAGEYSO:-QAYBTII 5AAD ATHIINY MO’OSHIITTHY 14/01/2017 Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Amar siiyay dhammaan hay’adaha Dowladda 06/08/2023 Dhageyso Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan 09/11/2021 Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusomareeb 24/01/2021 Dab khasaare badan gaystay oo ka ka kacay Suuqa Magaalada Jowhar 28/08/2023 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 25/12/2022 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Mareykanka Kala Hadlay Amniga Iyo Doorashada 29/12/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 22/05/2021 DHAGAYSO:- warka subaxnimo ee warbaahinta warsan 27/03/2024 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/01/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.