Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine written by Warsan Radio 13/12/2022 Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ka fekeraya cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Ruushka iyo weliba inay ansixiyaan lacago dheeri ah, oo dalka Ukraine lagaga taageero dhinaca hawlaha milateriga. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo Maraykanku uu ballan qaaday taageerada joogtada ah ee Ukraine, xilli uu dalkaasi la baaxaa degayo duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ku hayaan ciidamada Ruushku kaabayaasha muhiimka ah ee dalkaas.Lacagta uu Midawga Yurub soo jeediyey ee lagaga doodayo Brussels, ayaa gaadhaysa illaa $2.1 bilyan oo dollar oo dalkaas lagaga caawinayo dhinaca saadka hubka ee la geynayo.Midawga Yurub ayaa horey u soo rogay sideed wareeg oo cunaqabatayn ah oo lagu beegsanayo shakhsiyaadka iyo wershedaha Ruushka, si ay uga jawaabaan duulaanka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.Wareega sagaalaad ee cunaqabataynada ee uu soo rogayo Midawga Yurub ayaa lagu beegsanayaa saraakiil ka tirsan dawladda Ruushka, wershedaha soo saara qalabka difaaca iyo weliba bangiyada Ruushka. Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine was last modified: December 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Iran ayaa xukun deldelaada ku fulisay qofkii labaad ee ka mida debedbaxayaasha next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Dood ku saabsan Nadaafadda ilaalinteeda iyo hagaajinta bilicda deegaanka oo lagu qabtay Radio Warsan 19/10/2019 Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Fatahaadda Shabeellaha Hoose 20/07/2020 Wakiilka Gaarka ah ee QM James Swan oo la hadlay saxaafadda intii uu ku guda-jiray booqashada Hargeysa 09/01/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada warsan 18/10/2022 DHAGEYSO:-BARNAMIJKA KULANKA WARSAN 04/04/2018 WAR-MURTIYEED WADAJIR AH: MUNAASABADDA MAALINTA CAALAMIGA EE XORRIYADDA SAXAAFADDA 2020 03/05/2020 DHAGEYSO:Barnaamijka Kulanka Warsan 14/04/2020 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 22/01/2022 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 24/06/2022 Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay Guddiga Doorashada heer dowlad Goboleed 07/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.