Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine written by Warsan Radio 13/12/2022 Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ka fekeraya cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Ruushka iyo weliba inay ansixiyaan lacago dheeri ah, oo dalka Ukraine lagaga taageero dhinaca hawlaha milateriga. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo Maraykanku uu ballan qaaday taageerada joogtada ah ee Ukraine, xilli uu dalkaasi la baaxaa degayo duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ku hayaan ciidamada Ruushku kaabayaasha muhiimka ah ee dalkaas.Lacagta uu Midawga Yurub soo jeediyey ee lagaga doodayo Brussels, ayaa gaadhaysa illaa $2.1 bilyan oo dollar oo dalkaas lagaga caawinayo dhinaca saadka hubka ee la geynayo.Midawga Yurub ayaa horey u soo rogay sideed wareeg oo cunaqabatayn ah oo lagu beegsanayo shakhsiyaadka iyo wershedaha Ruushka, si ay uga jawaabaan duulaanka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.Wareega sagaalaad ee cunaqabataynada ee uu soo rogayo Midawga Yurub ayaa lagu beegsanayaa saraakiil ka tirsan dawladda Ruushka, wershedaha soo saara qalabka difaaca iyo weliba bangiyada Ruushka. Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine was last modified: December 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Iran ayaa xukun deldelaada ku fulisay qofkii labaad ee ka mida debedbaxayaasha next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Faah faahin kasoo baxeysa Ganacsato lagu dilay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe 18/02/2024 Jubbaland oo maanta ku dhawaaqaysa go’aan ku saabsan kuraasta taalla Garbahaarey 26/03/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir ka furay Garoowe 04/11/2022 Wadamada Armenia iyo Azerbaijan oo gaaray heshiis cusub oo xabad joojin ah. 26/10/2020 QM oo taageertay howlgalka Cusub ee ATMIS Soomaaliya 07/04/2022 Beesha caalamka oo war ka soo saartay doorashadii Hirshabeelle iyo Geedi Socdka doorashada guud ee Soomaaliya 19/11/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 14/07/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA 14/03/2017 Dowladda oo sheegtay in weerar lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab 18/10/2022 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Maanta u ambabaxay dalka kenya 15/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.