Baydhabo-{WMN}- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Safar Shaqo waxaa uu ugu anbabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.
Madaxweynaha ayaa qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku mari doona socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka Sooamaliya la leedahay dalalkaas, isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dalalka oo booqdo.
Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.