Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow oo deg deg looga qaaday written by Warsan Radio 20/12/2022 Waxaa isbedel lagu sameeyay Ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow Soomaaliya ee gobolka Gedo.Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Itoobiya ayaa lagu warejiyay Garoonka Dooloow halka dalkooda dib loogu celiyay kuwii horay u joogay, waxaana munaasabadda lagu bedelayay Ciidamada ku sugnaa Taliyaha nabadsugida Gobolka Gedo dhawaan loo Magacaabay ee Janeraal Jamaal Xasan Sareey.Taliyaha ayaa Ciidamada kaga mahad celiyey sida ay uga qeyb qaateen amniga Garoonka, isagoona kuwa cusub ku soo dhaweeyey Degmada sheegayna in si weyn ay uga qeyb qaataan Ammaanka guud ee Garoonka iyo Degmada intaba.Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadashaqyen dhow wada yeelan doonaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Nabadsugida Gobolka Gedo si amniga guud ee Gobolka looga wada Shaqeeyo sidoo kalena loola dagaalamo Al-Shabaab.Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay siweyn loga dareemayay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed kadib markii ay halkaasi tageen Wasiirkii hore ee Amniga Jbbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) iyo Sanoter Fartaag oo kamid ah Xidhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow oo deg deg looga qaaday was last modified: December 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan: Ciidanka jira Eritrea bisha ayey soo laaban doonaan next post Maxbuus Falastiini oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Israel You may also like Madaxweyne Farmaajo oo Dhambaal tacsi ah u diray Gudoomiyaha golaha Shacabka 14/08/2020 Howlgal dad lagu soo qabqabtay oo laga sameeyay Gaalkacyo 06/02/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/02/2021 Maraykanka oo gargaarkii ugu horreeyay u diray Gaza 30/11/2023 Xubna Ka Socda Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Gaaray Baydhabo 31/07/2021 Dhageyso:- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 10/03/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 09/07/2021 SAWIRO:-Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo geysay degmo u go’doonsan Al-Shabaab 25/03/2022 Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu rejo wayn ku qabo Dadaaladda Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aadan shirka 20-ka bishan. 19/05/2021 Ciyaaraha Olombikada oo si rasmi ah uga furmay magaalada Tokyo 23/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.