Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow oo deg deg looga qaaday written by Warsan Radio 20/12/2022 Waxaa isbedel lagu sameeyay Ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow Soomaaliya ee gobolka Gedo.Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Itoobiya ayaa lagu warejiyay Garoonka Dooloow halka dalkooda dib loogu celiyay kuwii horay u joogay, waxaana munaasabadda lagu bedelayay Ciidamada ku sugnaa Taliyaha nabadsugida Gobolka Gedo dhawaan loo Magacaabay ee Janeraal Jamaal Xasan Sareey.Taliyaha ayaa Ciidamada kaga mahad celiyey sida ay uga qeyb qaateen amniga Garoonka, isagoona kuwa cusub ku soo dhaweeyey Degmada sheegayna in si weyn ay uga qeyb qaataan Ammaanka guud ee Garoonka iyo Degmada intaba.Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadashaqyen dhow wada yeelan doonaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Nabadsugida Gobolka Gedo si amniga guud ee Gobolka looga wada Shaqeeyo sidoo kalena loola dagaalamo Al-Shabaab.Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay siweyn loga dareemayay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed kadib markii ay halkaasi tageen Wasiirkii hore ee Amniga Jbbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) iyo Sanoter Fartaag oo kamid ah Xidhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow oo deg deg looga qaaday was last modified: December 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan: Ciidanka jira Eritrea bisha ayey soo laaban doonaan next post Maxbuus Falastiini oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Israel You may also like Cali Guudlaawe oo noqonaya madaxweynihii saddexaad ee dowlad Gobolleedka Hirshabeelle 11/11/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 02/10/2020 Sii-hayaha Wasiirka Gargaarka oo kulan wada-tashi ah ka furay Muqdisho 30/09/2020 Madaxweyne Deni oo Maanta furaya Kal-fadhiga 50aad ee Baarlamaanka Puntland 15/06/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 11/07/2021 Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inaan Saddex sano ka dib wax jawaab ah laga bixin Qaraxii Soobe 15/10/2020 Dhageyso;- Warka Subaxnimo ee Idaacadda Warsan 07/12/2023 Joe Biden oo hay’adaha sirdoonka Maraykanka ku amray arrin la yaab leh 27/05/2021 Fanaanadii caanka aheyd ee Khadro Daahir oo geeriyootey 02/07/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 17/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.